Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Tago Dalka Kenya

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago Dalka Kenya.

Sidaasi waxa Wargeyska Geeska Afrika oo ka soo baxa Hargeysa u xaqiijiyey ilo-wareedyo xog-ogaal ah.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bishan November, 2019 socdaal shaqo ku tago dalka Kenya.

Ma Cadda in Socdaalkiisu yahay Marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda Dalka Kenya, laakiin wuxuu Warku sheegay in  la filayo in Madaxweyne Biixi kulan la yeesho Uhuru Kenyata.

Wuxuu noqonayaa Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland ah ee ay qaabilaan Madaxweynayaasha Kenya, Maruum Cigaal iyo Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa wakhtigii ay talada hayeen waxay kulamo la yeesheen Madaxweynihii hore ee Kenya ee kala ahaa Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa hore u sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu socdaal ku tagi doono Magaalada Nairobi inta aanu dhammaan sannadkan 2019-ku, waxayna siyaasiyiinta Kenya ay Dawladdooda Culays ku saarayeen inay xoojiso xidhiidhka Somaliland

Bishii September, 2019 waxa Magaalada Hargeysa socdaal ku yimid diblumaasiyiin Kenyan ah oo Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya u soo dirtay Hargeysa, kuwaasi oo la sheegay inay indho-indheeyeen Xafiis ay Kenya doonayso inay Hargeysa ka furato.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka