Xayiraada Hubka Somalia Oo Lagu Daray Curisyada Walxaha Qarxa Laga Sameeyo

New York, (HCTV) – Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha Ka-dhaxaysa ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxa ay dood adag ka yeesheen qaraar ay soo gudbisay dowladda Britain oo la xidhiidhay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha ayaa dood dheer kaddib ugu danbeyntii isku raacay in muddo sanad ah lagu kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaanay hubka ka mamnuuca ah Somalia ay ku dareen curisyada laga sameeyo walxaha qarxa.

Waxaa uu sidoo kale Goluhu  mamnuucay in dalka Soomaaliya loo dhoofiyo wax-yaabaha Kiimikada ah taasoo ay sheegeen in loo adeegsado farsameynta walxaha qaraxa oo ay inta badan adeegsadeen Ururkada dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Laakiin marka dhinaca kale la eego waxaa codeynta qaraarkan ka aamusay oo aan u codeyn  dalalka Ruushka, Shiinaha iyo dalka Equatorial Guinea, iyaga oo ku tilmaamay in qaraarkan uu qeyb ka yihiin wax-yaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanah.

Golaha waxa uu cambaareeyay hubka iyo rasaasta sharci darada  ee loo dhoofiyo Soomaaliya ee xadgudubka ku ah cunaqabateynta hubka ee  saaran Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.