Akhri: Magacyada Guddi Guurtidu U Saartay Inay Ka soo Talo-bixiyaan Muddo-kordhin Madaxweyne Biixi U doonayo Wakiillada

Hargeysa (HCTV) – Golaha guurtida Somaliland ayaa Guddi ka kooban 29 Xubnood u saaray ka soo talo-bixinta mudoo kordhin mar kale loo samaynayo Golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub.

Xildhibaanada ayaa saaka loo akhriyay qoraalka mMdaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga dalbaday inay muddo kordhin u sameeyaan Golaha wakiillada Somaliland, waxaana markaa ka dib  cod lagu meel mariyay guddiga loo saaray inay arrintaa ka soo talo-bixiyaan.

Guddiga ayaa ka kooban 25 Xildhibaan, Shir-guddoonka oo ka kooban 3 xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda.

 Halkan Hoose ka Akhri Magacyada 25 Xildhibaan Ee Guddiga ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka