Guddoomiye CIRRO Oo Qaylo-dhaan U Dirsaday Taageerayaasha WADDANI Ee Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taageerayaashu marka ay isugu yimaaddaan xarunta Xisbiga loo sheegi doono Farriimo muhiim ah oo uu xusay in lagu bedbaadinayo Qaranka Somaliland.

Cirro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan u sheegayaa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex  inay Berri 8-da Subaxnimo isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga, si loogu sheego Farriimo muhiim ah oo Qarankan lagu bedbaadinayo..”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ka jawaabay eedaymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in marka Madaxweynuhu uu Xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu aamisan yahay Soomaali-weyn uu ula jeedo beel ka mid ah kuwa Somaliland, doonayana inuu Bulshada kala fogeeyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka