AKHRI: Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Magaalada Boorama

Boorama (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inaan Cidna loo daba fadhiisanayn ilaalinta Amniga guud ee Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Boorama ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Awdal ay iska soo afjari waayaan Dadka Amnigooda xumaynaya ee Jabhadaha ka dhex samaynaya deegaankooda.

Saylici oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Reer Awdaloow Nabadgalyada la idinkama martiyayo oo Xukuumadda ayaa ka masuul ah, laakiin Talo ayaanu idinku leenahay.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale “Idinka yeeli mayno Inan halkaa jooga ayaanu la soo hadli kari waynay ama qaban kari waynay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Cidna Dawladdu lacag ku siinayn inay gudato doorka ay ku leedahay amniga “Lacagna ku siin mayno Ninka hawshiisa qabsan kari waaya, Bari baa Lacag la geeyaa ayay Salaadiintu ku hadlayaan, taasi waa Nasiib-darro, masiibaa loo geeyaa bariga Lacagta ee Masiibo Ilaahay barya, waar Ilaahay ka baqa.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka hadlay horumarka ka jira Gobolka Awdal iyo sida aan xilligan loogu baahnayn dhibaato amni-xumo in la abuuro “Tuulooyinka Gobolka Awdal meel aan Maanta biyo macaan laga cabbayn ma jirto, waar taa la idinlama qabo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Qaranka Somaliland awood u leeyahay inu Tallaabo ka qaado Ciddii Amniga waxyeelaysa, sida Jabhadaha oo kale, balse Shacabka loo tudhayo “Qaranka Somaliland Cid iska celin kartaa ma jirto, laakiin waalla idin dhowrayaa oo dhimasho iyo dhiig ayaa laga war-wareegayaa, haddaad maqasheen Illaa Caarre, Doqoniimo nagama ah ee waxay naga tahay Dadkiina yaanu dhibku ku dheeraanin. halkana (Awdal) boqol Qof oo Buur hoos fadhiistay Ilbidhiqsi naguma qaadanayso..”

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa imanaya xilli galbeedka fog ee Gobolka Awdal ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Jabhad la sheegay inay amar qaataan Suldaan Waber, sidoo kalena Toddobaadkii hore uun la soo xereeyay Jabhad lagaga dhawaaqay deegaan ka mid ah Awdal.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka