Afhayeenka Iyo Xoghayaha Xisbiga Waddani Oo La Xidhay

Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Bileyska Somaliland ayaa caawa xidhay Afhayeenkii Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi, Sida ay HCTV u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani.

Xadhiga Afhayeenka Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Xisbigaasi ayaa yimid  waxyar uun ka dib markii Afhayeenka Xisbiga Waddani uu Jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka Xisbiga Waddani oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba iska badalin dibadbixii gudoomiyaha xisbigoodu uu ku dhawaaqay in maalinta barito ah la isugu soo baxo.

Ma jirto ilaa iyo hadda warar faahfaahsan oo ka soo baxaya xadhiga masuuliyiintan xisbiga Waddani oo ka hadashay xadhigooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA