Xukuumadda Oo HCTV Ku Fulisay Mu’aamarad ay ku Maleegtay Shir Xalay Dhacay (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay Tifaftiraha guud ee Telefiishanka HCTV Cabdqaadir Saleebaan Casayr (Coday), sidoo kalena soo saartay Amar lagu xayirayo Telefiishanka HCTV.

Agaasimaha guud ee Telefiishanka Horn Cable Tv (HCTV) Maxamed Cabdi Sheekh (ilig) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Saaka Xarunta C.I.D ee Hargeysa lagu xidhay Tifaftiraha guud ee Telefiishanka HCTV, sidoo kalena ay Wasaaradda Warfaafintu soo saartay Amar la doonayo in lagu xayiro Telefiishanka.

Agaasime Ilig oo Arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa si rasmi ah u sheegay inuu HCTV saaray Xayiraad ka timid Wasaaraddiisa. Sidoo kale waxa Saaka 9:00-kii Subaxnimo xarunta Ciidanka dambi baadhista (C.I.D) looga yeedhay Tifaftiraha Telefiishanka HCTV, Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday), ka dib markii loo akhriyey Warqadda eedda ee ka timid Wasaaradda Warfaafinta oo ah in isaga la xidho iyo in Tv-ga la xayiro, markaa waxa la xidhay Tifaftiraha Tv-ga HCTV, markaa Warka Xadhigga Tifaftiraha iyo Xayiraadda Tv-gu waa war Xaqiiq ah oo jira..”

Agaasimaha HCTV wuxuu sheegay in Sababta Xukuumaddu u qaadday Tallaabada lagu xayiray Telefiishanka, laguna xidhay Tifaftiruhu tahay inay doonayso inaan Telefiishanku aanu Shacabka Somaliland u gudbin dhacdooyinka ka socda Hargeysa, sida Mudaharaadkii Maanta ay Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ka dhigeen Magaalada Hargeysa “Xukuumaddu waxay ka gilgilanaysaa gudbinta iyo ka warramidda waxyaabaha Waddanka ka socda ee Maalinlaha ah, gaar ahaan Mudaharaaddada uu Xisbiga WADDANI ku baaqay, iyadoo taa ka gilgilanaysa ayay Xalay Wasiirrada Xukuumaddu shir galeen, waxayna ansixiyeen inaan Maanta HCTV aan loo ogolaan Gudbinta Wararka ka dhacaya Caasimadda Hargeysa..”

Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Dacwad ay Wasaaradda Warfaafintu ka qabto Warar uu Telefiishanku baahiyey, gaar ahaan Waraysi uu Tv-gu ka qaaday Suldaan Waber oo hoggaamiya Jabhad la sheegay inay ka dhaqdhaqaaqdo Galbeedka Fog ee Gobolka Awdal “Waxa kale oo ay Maalmahanba nagu eedaynayeen Madaarka Hargeysa oo Maareeyuhu naga soo dacweeyay iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ka dacwoonaysa Waraysi aanu ka qaadnay Suldaan Waber..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaaxda ONLINE-ka