Maamulka HCTV Muxuu Ka Yidhi Xayiraadka Telefishanka La Saaray

Hargeysa,  (HCTV) – Maxamed Cabdi Ilig oo ah Maamulka Telefishanka HCTV ayaa ka hadlay xadhiga sharciga aan loo soo marine e lagu xidhay Tifaftiraha Telefishanka HCTV iyo Xayiraada Telefiska.

Maxamed Cabdi Ilig oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 18-ka November 2019-ka, waxay ciidamada dambi baadhista Somaliland ay xabsiga u taxaabeen tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Xasan (Coday) kadib markii ay u akhriyeen warqad uu soo qoray Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Warqadaasi oo faraysay ciidanka dambi baadhista in Tifaftiraha la xidho, Telefishanka HCTV-na la xayiro, iyadoo warqadaasi uu Wasiirku Iskii u qoray, aan sharcigana loo marin, Maxkamadna aan la gayn, wax dacwad ahna aan lagu soo oogin, xuquuqdii iyo xaqii aanu u lahayn in aanu iska difaacno eedaasi Wasiirku uu soo jeediyey HCTV ahaan aananu helin, taas oo ka soo horjeeda shuruucda iyo qawaaniinta u yaala Somaliland ee uu damaanad qaaday distoorka Jamhuuriyada Somaliland ee xeerka saxaafada (Xeer Lr 27/2004) uu sheegayo qodobadiisa muhiimka ahi in aan saxaafada la xidhi Karin, la hadidi Karin, war loo diidi Karin, oo aan lagu hagar daamayn Karin shaqadooda oo ay gudbin karaan macluumaadka labada dhinac,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ilig oo ah Agaasimaha Telefishanka HCTV.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.