Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Xayiraadda Iyo Xadhiga Lagula Kacay HCTV

Hargeysa, (HCTV) – Ururka SOLJA ayaa sheegay in maanta ciidamada Booliska Somaliland ay xidheen Tifaftirihii telefishanka HCTV, C/qaadir Saleebaan Casayr isla markaana xukuumaddu xayiraad saartay Telefishanka HCTV, sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

War-saxaafadeedka ururka SOLJA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka SOLJA maadaama oo ay shaqadiisu tahay difaaca, horumarinta Saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka, inuu talaabadaasi u arko talaabo qaldan oo ka timaada xukuumadda inay dhaawacayso jiritaanka, Sumcada iyo deganaanshaha bulshada reer Somaliland, sidaas daraadeed loo baahan yahay in laga foojignaado,” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka SOLJA. 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.