Akhri: Maraykanka oo Cunaqabayn u Diyaariyey Masar oo Diyaarado ka Iibsanaysa Ruushka

USA (HCTV)  – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Dawladda Masar ay Cunaqabayno la kulmi karto, hadday fuliso Qorshaha ay ku doonayso inay diyaaradaha dagaalka ee Su-35 kaga iibsato Ruushka.

Masuul ka mid ah Maraykanka ayaa Isniintii Maanta sheegay Suurto-galnimada in Maraykanku uu Cunaqabayn ku soo rogo Masar, maaddaama buu yidhi Diyaarado dagaal oo Masar ka iibsato Ruushku ay khatar ku tahay Xidhiidhka dhinaca Millateriga ee Washington iyo Qaahira.

“Masar horeba way u sii ogayd in Arrintani ku keenayso Cunaqabayno..” R Clarke Cooper oo ah ku-xigeenka Xoghayaha hawlaha Siyaasadda Millateriga ee Maraykanka  ka hadlayey bandhigga gaadiidka hawada oo lagu qabtay Dubai.

Wargeyska The National oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegaya in Mawqifka Maraykanku ka taagan yahay Qorshaha uu Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi ku doonayo inuu diyaaradaha dagaalka kaga iibsado Ruushka uu khatar gelinayo xidhiidhkii dhanka Qalabka Ciidammada ee Dalkiisa Masar la leeyahay Maraykanka.

Inta uu Abdel Fattah El Sisi xukunka hayey, waxa Masar Hub ku kacay Balaayiin dollar ay ka soo iibsatay Dalalka France, Germany iyo Russia, qalabkaasi oo ay ku jiraan diyaaradaha Helicopters-ka, Maraakiibta Dagaalka, Gaadiidka Ciidammada iyo diyaaradaha Dagaalka, xilli ay Maraykanka ka helayso Taageerada dhaqaale ee dhan $1.3 billion sannad walba, taageeradaa oo socotay tobanaankii sanadood ee la soo dhaafay.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka Mr Pompeo oo isaguna ka hadlay heshiiska  Masar la saxeexatay Ruushka ee ay ku doonayso inay Diyaaradaha dagaalka ee Su-35 kaga iibsato Ruushka, ayaa sheegay in arrintaasi hoos u dhigi doonto ama khafiifin doonto xidhiidhka dhanka Millateri ee Masar la leedahay Maraykanka iyo Kaalmada dhanka Nabadgalyada ee Maraykanku siiyo Masar.

Waxa kale oo Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanku uu u sheegay Wasiirka Difaaca ee Masar in Dalkiisu uu cunaqabayn kala kulmi doono Maraykanka, hadday hirgeliso heshiiska uu la galay Ruushka, kaasi oo dhigaya in Masar ay 2 Billion oo dollar ay Ruushka kaga iibsato 20 diyaaradood oo ah nooca Su-35.

Maraykanka ayaa hore cunaqabayn ugu soo rogay Turkiga oo Ruushka ka iibsaday Hubka difaaca ee loo yaqaanno S-400, waxaanu sidoo kale uu Maraykanku joojiyey Tobanaan diyaaradaha dagaalka ee F-35 oo Turkigu doonayey inuu ka iibsado Maraykanka isla-markaana uu Lacagtooda hore u bixiyey. Sidoo kalena wuxuu joojiyey tababbaro gudaha dalkiisa uu ku siinayey duuliyeyaasha Turkiga ee diyaaradaha F-35.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka