Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukuumada Ka Diiday Xayiraadii HCTV

Hargeysa, (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa xukuumadda Somaliland ka diiday xayiraad sharci daro ahayd oo lagu soo rogay Telefishanka HCTV, sidoo kalena Tifaftiraha HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) ayay u dirtay Maxkamadu todoba cisho oo rumaan ah, sida uu sheegay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA  oo arintaasi faahfaahin ka bixiyey ayaa waxa uu yidhi “Kulan saxaafadeedkan waxaanu u qabanay manta in aanu kaga hadalno talaabadii shalay lagu xidhay Tifaftirihii Telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday), kaas oo ciidamada bileysku ay shalay si sharci daro ah ugu xidheen xarunta C.I.D-da oo ugu tagay markaa yeedhmo ay ciidankaasi kaga dalbadeen yeedhmo dacwad ay runtii hore ugu yeedheen.

Markaa waxa dhacday runtii anaga oo tixgalinayna Yeedhmadii Maxkamada runtii iyo nidaamka sharciga ah in sifo sharci daro ah lagu xidho Cabdiqaadir waxaanu u aragnaa in nidaam sharci daro ah aan loo marin,” ayuu yidhi Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.