Taageerayaasha Waddani Oo Isku Soo Bax Ka Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka

Laascaanood, (HCTV) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta isku soo bax ka dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay jamaahiirta Taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolka Sool ay isku soo baxan ka dhigeen xarunta uu xisbiga Waddani uu ku leeyahay gobolkaasi.

Isku soo baxan ayaa waxa horkacayey Wasiirkii hore ee Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Sool iyo Duqii hore ee dagmada Laascaanood Saleebaan iyo taageerayaasha xisbiga Waddani.

Waxaanay dhamaan shacabkii iyo Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ay taageereen hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, iyagoo sidoo kale xaqdaro ku tilmaamay xadhiga Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Waddani ee xukuumadu xidhay.

Dhinaca kale waxa maanta isku soo baxyadan oo kale isugu yimid Taageerayaasha xisbiga Waddani ee Gobolkada Togdheer iyo Awdal, kuwaas oo dhamaantoodba ayiday baaqii Gudoomiyaha xisbigooda, waxaanu isku soo baxyadan ay ku cabirayaan dareenkooda ayaa ugu soo dhamaaday si nabadgalyo ah, ilaa iyo haddana lama soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA