Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Dhismaha Jeelka Boorama

Boorama, (HCTV) – Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku gudajira safarkiisi Boorama ayaa soo kormeeray dhismaha Jeelka weyn ee magaalada Boorama oo meel wanaagsan maraya.

Kormeerkan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa ku wehelinayey Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle iyo masuuliyiin kale oo ka socday Ciidamada Asluubta ee gacanta ku haya jeelka, waxaanay dhamaan masuuliyiintani ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in dhismaha Jeelka weyn ee magaalada Boorama uu sida ugu haboona ee lagu wado inuu ku dhamaado.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.