CPJ Oo Sheegtay In Wasiirka Warfaafinta Iyo Xeer-ilaaliyaha Guud Ka Muquurteen Xidhiidh Ay Arrinta HCTV Kala Samaysay

People take part in a parade to mark the 24th self-declared independence day for the breakaway Somaliland nation from Somalia in capital Hargeysa, May 18, 2015. REUTERS/Feisal Omar - GF10000099257

Hargeysa (HCTV) – Hay’adda Difaaca Suxufiiyinta Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo CPJ ayaa ka hadashay Tallaabada Xukuumadda Somaliland ku xayirtay Telefiishanka HCTV iyo Xadhigga Tifaftirihii Tv-ga Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday).

CJP ayaa Masuuliyiinta Somaliland ugu baaqday inay Telefiishanka HCTV u ogolaadaan inuu si xor ah u shaqeeyo isla-markaana ay si bilaa Shuruud ah u siidaayaan Tifaftirihiisa Mr. Cabdiqaadir Coday.

Booliska Caasimadda Hargeysa, ayaa subaxnimadii Shalay Cabdiqaadir Coday 7 Maalmood ah oo Rumaan ah awgeed ku xidhay xarunta guud ee Ciidammada Dambi baadhista ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ah halkii markii hore lagu xidhay isla-markaana lagu tusay Warqadda sheegaysa eedda loo haysto iyo Xayiraadda Telefiishanka HCTV, sida uu CPJ u sheegay Cabdikariin Siciid Salaax oo bahda HCTV ka mid ah.

7-da Maalmood ee Rumaanka ah waxa Xalaalaysay Maxkamadda oo Shalay la hor-geeyay Weriye Cabdiqaadir Coday.

Cabdikariin waxa kale oo uu CPJ u sheegay inaan HCTV la siinin Nuqul ka mid ah Warqadda eedda, sidoo kalena aanay jirin Waaran Maxkamadeed oo Boolisku u soo qaatay Xadhigga Tifaftiraha Telefiishanka HCTV.

CPJ oo soo xiganaysa Cabdikariin Siciid Saalax ayaa sheegtay in Maxkamaddu diidday Xayiraadda HCTV, laakiin Go’aanka Maxkamaddu ku diiday Xayiraadda Xukuumadda ee HCTV ay Rafcaan ka qaadatay Xukuumaddu.

“Adeegsiga xadhig aan sabab lahayn iyo amarro xidhitaan si loo aamusiyo Saxaafadda, sidaasi uma adeegayso dadka reer Somaliland..” ayuu Wakiilka CPJ ee Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya Muthoki Mumo, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta (Somaliland) inay si dhakhso ah u siidaayaan Cabdiqaadir Saleeban iyo inay u oggolaadaan Horn Cable TV inuu shaqeeyo iyadoon wax faragelin ah lagu sameynin..”

Qoraalka CJP ka soo saartay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Cabdiqaadir Coday ayaa intaa ku daray in Boolisku ay Maxkamadda horteeda ka sheegeen in eedda loo haysto Tifaftiraha HCTV tahay War la xidhiidha Diyaarad ka cabatay amniga Garoonka diyaaradaha Hargeysa iyo Waraysi uu Telefiishanku la yeeshay Suldaan Waber oo hoggaamiya Jabhad.

Ugu dambayn, CPJ waxay sheegtay in xidhiidh dhinaca Telefoonka iyo Emailka ah oo ay la samaysay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Muuse Diiriye iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, si ay arrintan wax uga waydiiyaan aanay uga jawaabin Telefoonnada iyo Emaillada Hay’addu u dirtay midna.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka