Ethiopia Iyo Imaaraadka Carabta Oo Iska Kaashanaya Dhinaca Milatariga

Ethiopia Iyo Imaaraadka Carabta Oo Iska Kaashanaya Dhinaca Milatariga

Dalalka Sheegaya Inay Covid_19 Ka Xorroobeen Oo Soo Kordhaya
Baarlamaanka Lubnaan Oo Ansixiyey Xaalad Deg-deg Ah Oo Dalkaa La Geliyey
Addis Ababa Oo Loo Doortay Inay Martigaliso Shirka 70aad Ee FIFA
Ujeeddada Kulan Ay Maanta Yeeshaan Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland
Agaasimihii Shaqo-gelinta Oo Xilka Laga Qaaday

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladaha Ethiopia iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiis isfaham oo laba geesood ah, kaas oo ay labada dhinac iska kaashanayaan arimo ku saabsan difaaca iyo Milatariga.

Heshiiskan isfaham ayaa waxa dawlada Ethiopia ku matalayey Wasiirka Gaashaandhigga dalka Ethiopia Lemma Megersa, halka dhinaca Imaaraadkana uu u saxeexay Maxammed bin Axmed Al Bowardi, oo ah Wasiirka arimaha Difaaca ee dalkaasi.

Wasiirka Difaaca Lemma ayaa munaasibada ka sheegay in dalkiisu aad ugu hanweyn yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee dhinaca difaaca ee labada dal ee Ethiopia iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la raacayo danaha qaan-gaadhka ah ee labada dal.

Halka Maxamed bin Axmed Al Bowardi, uu dhiniciisa isna sheegay in heshiiskani uu hoosta ka xariiqayo xidhiidhada wadashaqayneed ee dalkiisu la leeyahay saaxibada caalamka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: