Guddoomiye Baashe Oo Sheegay Inaan Cidna Waxba Ka Beddelin Karin Qadiyadda Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Mudane Baashe-cadde oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan.” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka