Sri Lanka: Madaxweyne Cusub Oo Walaalkii U Magacaabay Raysal-wasaare

Sri Lanka (HCTV) – Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Raysal- wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Maanta xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabtay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadkii hore dalkaasi ka dhacday.

Afhayeen Xukuumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Raysal-wasaaranimo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalkii sokeeye oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka