Suuriya: Duqayn Lala Beegsaday Xero Barakacayaal Oo Lagu Dilay 16 Qof

Idlib, (HCTV) – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay laba weerar oo ciidamada dawlada Suuriya ay ka dambeeyeen kadib markii Gantaal lala beegsaday xero barakacaal oo ku taala gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida ay sheegayaan hawlwadeenada gargaarka degdega ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad tiro badan Arbacadii maanta, sida uu sheegay Axmed Yarji, oo ah Afhayeenka koox gargaar oo la baxday difaaca shacabka Suuriya.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa waxa ka mid ah 10 caruur ah iyo saddex dumar ah. Waxaanu Gobolka Idlib uu sidoo kale wajahayaa wakhti xaadirkan dhibaato dawo la’aan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.