Somaliland: Xukuumadda Oo Digniin U Dirtay Culimo Khilaaf Diimeed Soo Kala Dhex Galay

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa digniin u dirtay Culimo Maalmihii u dambeeyay ku dhex yooyootamayey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, gaar ahaan Facebook, kuwaasi oo kala dalbanayey inay wada galaan doodo la xidhiidha murankooda diimeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo soo gaadhay Horn Cable Tv oo Wasaaraddu kaga hadashay Muranka culimadaasi ayaa u qornaa sidan:-

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).

Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto.

Haddaba, laga billaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019 (Shalay), waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh.”

Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ma soo hadal-qaadin Magacyada Culimadaas oo laba ah iyo waxa uu yahay ama khuseeyo muranka Diimeed ee ka dhexeeya Culimada ay Digniinta u dirtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka