Afrika: Shacabka Guinea-Bissau Oo Saaka U Dareeray Doorashada Madaxweynaha

Guinea (HCTV) – Dadweynaha Dalka Guinea-Bissau ayaa Saaka u dareeray Doorashada Madaxweynaha Dalkaasi.

Dalka Guinea-Bissau oo ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa waxa doorashadiisa u dareeray Dad gaadhaya 760,000 Qof, kuwaasi oo codadkooda ka dhiibanaya Doorashadan oo ay ku loolayaan 12 Musharrax oo dhammaantood Rag.

Goobaha Cod-bixinta ayaa waxa la furay at 07:00 GMT, waxaana la xidhi doonaa 17:00 GMT ama 5-ta Galabnimo ee Saacadda Dalkaasi
12-ka Musharrax ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha hadda xilka haya Jose Mario Vaz, kaasi oo doonaya i mar kale dib loo doorto, laakiin Mucaaradka ayaa ku haya dagaal adag.

Bilihii u dambeeyay waxa dalka Guinea-Bissau ka taagnaa deganaansho la’aan siyaasadeed, ka dib markii uu Madaxweyne , Vaz uu caydhiyey oo uu Xilka ka qaaday Raysal-wasaare Aristides Gomes, waxaanu markaa ka dib Magcaaabay Raysal-wasaare cusub, laakiin Raysal-wasaarihii uu xilka ka qaaday ayaa diiday inuu xilka ka dego, taasina waxay keentay in muddo 10 maalmood ah uu Dalku lahaad Laba Raysal-wasaare.

Sannadkii 2014-kii oo Maaxweynaha Guinea la doortay, waxa dalkaa soo maray illaa 7 Raysal-wasaaare.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka