Arrin Argagax Leh Oo La Soo Deristay Qoys Soomaali Ah + Sawirro

Nugaal (HCTV) – Qoys ku nool meel ku dhow deegaanka Yoonbays oo 100km u jirta magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, ayaa la kulmaya arrin la yaab leh oo argagax ku abuurtay.

Reerka waa xoolo dhaqato sida ay sheegeen, wax aan la arki karin ayaa bireynaya ama Gawracaya Adhigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan cidda waxaas sameyneysa. Adhiga qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha ama lugaha.

Cabdiwali Faarax Warsame oo ah Aabaha qoyskaas ayaa sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah.

“Adhigu wuu bireysan yahay; wax aan la arkayn ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray in “la soo qaado neefka oo bireysan, la geeyo guriga ama qeyb ka mid ah la soo gooyo oo loogu geeyo gurigooda.”

“Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.”
Cabdiwali wuxuu sheegay in shalay ay saddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale.

“Adhigaa birtu ku billaabatay wuu badnaa, neefkii ugu dambeeyay hadda ayaan dul taaganahay,” ayuu ku sheegay Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu intaa ku daray “Ma aanu maqal dhacdadan oo kale cid ay hore ugu dhacday, horeyna umaynaan arag, wax sheegayana ma jiraan..”
“Wax aan ognahay oo cillad ah ma jirto, waan baadhnay waana waynay. Ma ogin wax sabab ah oo kallifaya in sidan wax noqdaan”, ayuu yidhi.
Adhiga qaar ba dhegaha, naasaha iyo lugaha laga jaray.

Sida uu sheegay, ma jirto cid aragtay waxa arrintan sameynaya. “Wax loo jeedo ma ahan. Neefkii oo dhiig uu ka baxayo uunbaa la arkayaa”.Wuxuu intaa ku daray in aanu ka shakisanayn in dad caadi ah ay arrintan ka dambeeyaan. “Waxaan arkeynaa neefkii oo dhaawac ah mararka qaar, oo cidina ayna la joogin, mididiina ay ag taallo”.

“Waa midiyihii reerka. Anagu waanu waynay dhammaan midiyaha; gebigoodaba waalla waayay”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Reerkan ayaa billaabay Quraan akhris. Waxay u yeedheen afar wadaad oo 30-ka jus dhammeeyay, balse “weli arrintii way socotaa”, sida uu aabaha reerkaas xaqiijiyay.
“Waxaanu keennay wadaado kale oo afar ah, iyaguna Quraan bay akhriyeen, shalay galab bay dhammeeyeen. Haddana, anagoo badan waxaan sugeynaa wadaado kale oo aanu keenno”.

Reerkan ayaa mar hore ka guuray xeradii ay degganaayeen. Meeshii ay degeen ayey “arrintan la yaabka leh kaga daba tagtay”.

“Laba habeen ka hor ayaan u raray (reerka) xero kale oo cusub, oo illaa 24km u jirta (meeshii hore)”, ayuu yidhi. laakiin xaalladii way daba socotaa.
“Alle baryadiisa iyo Quraanka akhrin ayaan badsanayaa. Alle isagaa waxan naga dul-qaadi kara”, ayuu yidhi Cabdiwali Faarax Warsame.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka