AMISOM Oo $87,000 Uga Deeqay Gurmadka Fatahaadda Beledweyne

Muqdisho, (HCTV) – Wakiilka howlgalka midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira oo Sabtidii shalay booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay uga qeybqaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ay Fatahaaddu saameysay lacag dhan ah US$87,000

Wuxuu sheegay in deeqdan lacageed inteeda badan loo adeegsan doono wax ka qabashada Arimaha Caafimaadka iyo Agab kale ee aan raashinka ahey oo ay u baahan yihiin dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne.

Ambassador Francisco Madeira  ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo ciidamada howlgalka midowga Africa ku sugan intaba in ay muujiyaan iskaashi si wax looga qabto arrimaha Nabad-Galyada.

Wafdiga Midowga Africa ayaa magaalada Beledweyne kula kulmay madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta maamulka heer Gobol oo ay ka wada hadleen Nabad-galyada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadkii dhawaan ku soo rogmaday magalada kuwaa oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.