Madaxweyne Erdogan Oo Barri Socdaal Ku Tagaya Qatar

Doxa/Ankara, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa socdaal ugu baxaya maalinta Isniinta ee barito si uu ula kulmo Amiirka dalka Qadatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Socdaalka Madaxweynaha Turkiga oo ah martiqaad rasmi ah ayaa labada hogaamiye ay kaga wadahadali doonaan xidhiidhka labada dal arimo kale oo ku saabsan gobolka.

Ankara iyo Doha ayaa ah gaashaanbuur ka wadatirsan gobolka, waxaana sii xoogaysanayey xidhiidhkooda oo ah mid adag oo wakhti jiray, waxaana labada hogaamiye uu mid waliba uu isha ku hayey arimo siyaasadeed dibadeed oo adag sanadihii u dambeeyey, oo ay ka mid yihiin sdagaalka Suuriya, Masiibada Falastiin haysata, iyo Afgambigii Masar ka dhacay 2013-kii.

Xidhiidhka dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Qadar ayaa ahaa mid caafimaad qaba, gaar ahaana tan iyo intii ay gacanka ka bilaabmeen dhibaatadu sanadkii 2017-kii, xiligaas oo Sucuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar kuna soo rogeen xayiraado tiro badan.

Hase yeeshee sanadkii hore, markii boqolaal qof lagu dilay afghambigii fashilmay ee Turkiga, Amiirka dalka Qatar waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey aduunka ee Erdogan iyo Dawladiisa u muujiyey sida ay u taageersan yihiin.

Sidoo kale Qatar waxa ay taageertay hawlgakii Milatari ee Turkigu ka waday Waqooyiga Siiriya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo Ankara ay ku weerartay dagaalyahanada Kurdishka ah oo ay ugu yeedho inay Argagixiso Yihiin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.