Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Samaystay Guddi 22 Xubnood Ka Kooban

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku samaystay guddi ka kooban 22 xubnood oo ka soo talo bixiya xaaladdda dalku uu marayo.

Guddidan oo noqon doonta guddi hawleed darsa xaalada dalku uu ku sugan yahay, sida uu sheegay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan xisbiga Waddani oo halkaasi ka akhriyey ujeedada kulanka labada xisbi iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

“Waxa la isla gartay, oo labada xisbi Mucaarid ay isla garteen in la magacaabo guddi hawleed ka kooban labada xisbi oo labada dhinac ah oo xisbi waliba uu yeelanayo 11 xubnood, oo iyaguna sii yeelanaya laba guddi, oo noqonaysa guddida xisbi walba oo uu hogaaminayo gudoomiyahoodu oo afar ah iyo todoba todoba xubnood oo loo xilsaaray hawl maalmeedka iyo marba xaaladu sida ay tahay inay soo darsaan oo ay warbixin ka keenaan. Markaa xisbi waliba waxa uu yeeshay afar meel ah iyo todoba xubnood 11-kkaa xubnood,” ayuu yidhi Ismaaciill Aadan Cismaan oo halkaasi saxaaffada uga akhriyey waxyaabaha ay labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani isku afgarteen, waxaanu intaasi ku daray “Guddiyadaasi waxa loogu talo galay inay soo lafaguraan dhibaatada maanta insa saaran ee inagu soo ifbaxday ee ay kow ka tahay komishanka Doorashooyinku, oo aad arkaysaan iyadoo aan cidna lagala tashan in la ansixiyey, iyadoo aan cidna lagala tashan in la dhaariyey, isla maantana,” ayuu ydihi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Waddani.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.