Sucuudiga Oo Xabsi Dheer Ku Xukumay 38 Qof Oo Argagixisonimo Lagu Eedeeyay (Akhri)

Riyaadh (HCTV) – Maxkamad ku taalla Dalka Sucuudiga ayaa xukun ku ridday 38 Qof, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Maalgeliyeen Ururrrada Argagixisada.

38-ka Qof ayaa lagu riday Xukuno u dhexeeya 30 Bilood illaa 25 Sanadood oo Xabsi ah.

Sidaana waxa soo weriyey Telefiishanka  Dawladda Sucuudiga ee Al Ekhbariya oo soo xiganaya Laamaha Amniga Sucuudiga.

Dadka la xukumay ayaa qaarkood lagu eedeeyay inay sameeyeen Ururro Argagixiso intii ay ku jireen Xabsiga, qaarkoodna ay Maalgeliyeen, halka qaarkoodna lagu eedeeyay inay galeen kooxaha loogu yeedho Takfiirka, sida uu Maanta Telefiishanka Al-jazeer oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Sannadkii 2017-kii, Boqortooyada Qaniga ku ah Saliidda ee Sucuudi Carabiya ayaa daah-furay hawl-gal ay ku xidh-xidheen tobanaan hoggaamiye, Aqoonyahanno iyo Adeegayaal bulsho, kuwaasi oo dhammaantood lagu xidhiidhiyey Argagixisonimo.

Bishii April, 37 Nin ayaa Madaxa lagaga jaray Sucuudiga, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo galeen, xilligaa Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilan Xuquuqda aadamaha ayaa sheegay in Raggaasi ka mid ahaayeen Muslimiinta Shiicada oo uu ku dhacay xukun aan Caddaalad ahayni.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka