“Way Yar Tahay 2-da Sano Ee Wakiillada Loo Kordhiyey, C/rashiid Riyo-raacna Cidna…” Baashe M. Faarax

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa difaacay Muddo-kordhinta markii lixaad loo sameeyay Golihiisa, waxaanu sheegay in Muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Golaha Wakiilladu ay tahay Sharci.

Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in muddo kordhintu tahay laba sanadood, laakiin ay muddadaasi ku yar tahay, sidaasi darteedna ay xilka haynayaan illaa la doorto Golihii beddeli lahaa.

Mudane Baashe-cadde oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Annagu inta Gole cusub imanayo Xilka waanu haynaynaa, Shacabkana waxaanu waydiisanaynaa inay noogu duceeyaan in Ilaahay xilka noo fududeeyo.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay yar tahay muddada loo kordhiyey Golaha Wakiillda, maaddaama buu yidhi Komiishanka cusub lagu murmi doono 5 sanadood, si la mid ah sidii loogu Murmay muddada 2-da sannadood ah komiishankii Wakhtigu ka dhamaaday “Laba sano way yar tahay, durba imika waxa inaga tagay laba Sanadood intii lagu murmayey komiishanka, komiishankana 5 sano oo kale ayaa lagu murmi doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xisbiyada Mucaaradka u soo jeediyey inay sharciga dhowraan oo aanay Sharci-darro  ku sheegin muddo-kordhinta Golaha Wakiillada loo sameeyay, maaddaama buu yidhi Sharciga ay Xisbiyo ku yihiin loo maray Muddo-kordhinta Wakiillada “Xisbiyada waxa laga rabaa inay shuruucda dhowraan, Xisbiyadu waxay Xisbiyo ku yihiin waa Sharciga, hadday yidhaahdaan waa Sharci-darro (Muddo kordhinta Wakiilladu) iyaguna Sharci-darro ayay noqonayaan Xisbiyadu, markaa muddo-kordhintu waa Sharci…”

Ugu dambayn, Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax wuxuu sheegay inaan Cabdirshiid Riyo-raac oo Komiishanka cusub ka mid ah, balse Xisbiyada Mucaaradka ahi diiddan yihiin aanay cidna beddelin Karin, haddii Golaha Wakiilladu ansixiyey “Cabdirashiid Riyo-raac Maalintii Golaha Wakiilladu ansixiyey ayuu Komiishaneer noqday, Cid beddeli kartaana ma jirto..”ayuu yidhi.

Halkan Hoose ka Daawo Warkaasi oo Muuqaal ah oo Dhamaystiran

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka