Mali: 13 Askari Oo Faransiis Ah Oo Ku Dhintay Diyaarado helicoptero Ah Oo Isku Dhacay

Mali, (HCTV) – Saddex iyo toban Askari oo Faransiis Ah ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo Heicopter ah gudaha dalka Mali, waxaana loo malaynayaa inuu yahay khasaaraha keli ah ee ugu weyn ee ciidamada Yurub ee halkaas ku sugan soo gaadhay tan iyo 2013.

Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Isniinta iyadoo askartu ay ku mashquulsanaayeen dagaalyahanno dhowr jeer weerarro isdaba joog ah ku qaaday waqooyiga Mali toddobaadyadii la soo dhaafay, xafiiska madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yidhi.

“Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay geerida naxdinta leh ee ku timid 13 ka mid ah ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Mali fiidnimadii Isniinta ee taariikhdu ahayd November  25, shil ka dhacay labadooda helicobter intii lagu gudajiray howlgalka lagula dagaallamayo jihaadiyiinta,” ayaa lagu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku.

Baadhitaan ayaa lagu wadaa sababta dhalisay shilka sababay isku dhaca dhinaca hawada ee labada diyaaradood ayaa sheegay wasiirka difaaca, Florence Parly.

Ilo wareedyo wasaarada gaashaandhiga laga helayo ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in diyaarad Helikobtar ah oo isku dhacday ay sababeen dhimashada lix sarkaal.

Shilka ayaa ka dhigaya tirada 38 askarta Faransiiska ee lagu dilay Mali tan iyo faragalinta Faransiiska lix sano ka hor si ay gacan uga geystaan ​​dib u soo celinta amaanka iyo la dagaalanka kooxaha hubaysan ee ku hanjabaya inay dalka ka saarayaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.