Masuuliyiinta Waddani Oo La Filayo In Goor Dhaw Xabsiga Laga Soo Daayo

Hargeysa, (HCTV) – Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda xukuumadu ay sii dayso Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Xidhan.

Waxaanay ilo wareedadaasi ay intaa ku darayaan in Xafiiska Xeer-ilaainta Gobolku ay saaka u qortay Maxkamada Gobolka qoraal ay ku sheegayaan in aanay wax dacwad ah u haysan masuuliyiinta xisbiga Waddani ee xidhan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud iyo Afhayeenka xisbigaasi sidaa darteedna xoriyadooda dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale arintan ayaa ku soo beegmaysa ama ka dhalatay kadib markii guddi is-xilqaantay oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbashay ergo ay isku xilqaameen ay ula tageen arinta sii daynta masuuliyiintaasi, sidaa darteenda la filayo in saacadaha soo socda ooda laga qaado masuuliyiinta mudada todobaadka ku dhaw sharci darada u xidhnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.