Ururka SOLJA Oo Soo Qaban Qaabiyay Tobobar Ku Saabsan Ilaalinta Xogta Baraha Bulshada

Hargeysa, (HCTV) – Ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA ayaa soo qaban qaabiyay kulan ku saabsan sidii loo xafidi lahaa ama loo ilaalin laha xogaha iyo macluumaadka loo adeegsado baraha bulshada noocyadiisa kala duwan.

kulankani ayaa ahaa kii noociisa ah ee ay soo qaban-qaabiyo ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA.

Furitaankii kulankaasi waxa si qoto dheer uga waramay gudoomiyaha urur suxufiyiinta somaliland ee SOLJA Maxamuud Jamac (XUUTO) waxana uu ku dheeraaday ahmiyada uu u leeyahay saxafiyiinta iyo sidii uu uga caawin lahaa masuuliyada ka saaran dhamaan barahooga bulshada.

Gudoomiyuhu waxa uu aad ugu dheeraaday faaiidada uu kulankani leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada baraha bulshada ee warbaahinta,taasi oo ka sacidi doonta sidii ay xogaha iyo wararka muhimka ah ee ay isku waydarsadaan baraha bulshada u noqon lahayd mid amnigeedu sugan yahay.

Gudoomiyaha SOLJA waxa uu hadalo dardaaran ah u soo jeediyay suxufiyiintii kulankani ka soo qayb galay waxanu ka codsaday in mudada uu kulankaasi soconayo ay ka faaidaystaan.

Geesta waxa kulankani aqoon korodhsiga ah ku sugaan Wasiirka Wasarada Warfaafinta Iyo Dhaqanka Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa uu aad u bogaadiyay ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA oo ahaa ururkii soo qaban qaabiyay kulankan masuuliyada wayna iska saaray sidii ay uga faaidaysan lahayeen Suxufiyiinta kala duwan ee somaliland ka hawlgala.

Wasiirku waxa uu ka hadlay isla markaana ku dheeraaday qiimaha uu leeyahay tobobarkani iyo sida ay warbaahintu ugu baahan tahay tobobar noocan oo kale ah.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray ka wasarada ahaan inay soo dhawaynayaan tobobarkan iyo sidii ay ugala qayb qadan lahayeen Joogtaynta tobobaro kala duwan oo warbaainta kor loogu qaadayo xirfadooda,sidoo kale waxa uu shaaciyay in ay dhawaan u soo bandhigi doonaan deeq waxbarasho oo ay ka helayaan dalka Itoobiya taasi oo soo xoojinaysa aqoontada warbaahinta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.