Madaxweyne Biixi Oo Amaanay Guddigii Hore Ee Doorashada Oo Uu Maanta La Kulmay

Madaxweyne Biixi Oo Amaanay Guddigii Hore Ee Doorashada Oo Uu Maanta La Kulmay

Nigeria: Boko Haram Oo Dishay 25 Qof Oo Askar Iyo Shacab Isugu Jira
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Qabtay 22 Doonyood Oo Si Sharci Daro Ah U Kalluumaysanayey
Maayar Soo Jeediyey In La Laayo Dadka Isku Jinsiga Ah Ee Isku Taga
Somaliland: Qaylo-dhaanta Abaareed Oo Marba Gobol Ka Soo Yeedhaysa
30 Qof Oo Ku Dhintay Weerarro Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Nigeria

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa kulan la yeeshay Guddigii hore ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo muddo-xileedkoodu dhamaanayo bishan.

Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha Guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxaana ay tilmaameen in   shaqadii ay soo qabteen ahayd  masuuliyaddii loo igmaday  iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: