Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Waxba Iska Bedelin Xidhiidhka Ay Itoobiya La Leedahay

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay beeniyeen war uu qorey wargeys ka soo baxa Itoobiya oo sheegay inay Somaliland ka walaacsan tahay isbedelka ku yimid siyaasadii Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaaada Hargeysa ayaa sheegay in maqaalkaasi lagu qorey wargeyska Itoobiya ka soo baxa uu ahaa mid malo awaal ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana dadka uu soo xigtay ahaayeen dadka iska sheekaysanayey ee aanay ahayn masuuliyiin si rasmiya uga hadlayey siyaasadda Itoobiya.

“Qoraal shaki abuuri kara oo qofka aan xog ogaalka ahayn ku abuuri kara oo ku qornaa afka ingiriisiga oo jariidad ka soo baxda Itoobiya soo daabacday oo sheegaya inay Somaliland ka walaacsan tahay isbedelka uu siyaasadii Itoobiya ka sameeyey Ra’isal wasaaraha Itoobiya, hadalkaasi markii aanu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto”ayuu yidhi wasiir Farotoon.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadka qaar ka shakiyeen shirarkii ay wada yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya, kuwaas oo u arkay in Somaliland dhibaato ku yahay, haseyeeshee waxa uu xusay Somaliland la iska indho tiri Karin, shirkaasi dalalkaasi yeeshayna uu ahaa mid caadi ah.

“Cid iska indho tiri karta jiriteenka Somaliland ma jirto, dadka ka shakiyey shirarkii madaxweynaha SOomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku shiri jireen ee u qaatay inay khatar ku tahay Somaliland waxba kama jiraan, waayo ee gobolka saddexdaas dal uun maaha oo dalal kale ku yaalla”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in safiirkii Itoobiya ee Hargeysa u joogay gaadhay da’dii lagu nasinayey oo la soo bedelayo, isla markaana uu xafiiskiisii sidiisii u shaqeeyo.

Hadalka wasiirku waxa uu ka dambeeyey ka dib markii wargeyska ka soo baxa Itoobiya uu daabacay qoraal uu kaga hadlayo inay Somaliland ka walaacsan tahay isbedelka ku yimid siyaasadii Itoobiya lagu dhaqi jirey, taas oo uu bedelay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.