Gudoomiyihii xisbiga WADANI ee Gobolka Saaxil oo xabsiga loo taxaabay

Gudoomiyihii xisbiga WADANI ee Gobolka Saaxil oo xabsiga loo taxaabay

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Mid Noqday 20 Hogaamiye Oo Afrikan Ah Oo Shir Uga Furmay Japan
Somaliland dib u Celisay Boqolaal Carruur oo Ajaanib Ah.
Dab Xoog Leh Oo Ka Holcaya Kaymo ku Yaala Ethiopia+Sawiro
Milatariga Pakistan Oo Sheegay Inay Tijaabiyeen Gantaal Cusub
Taxes: 10 Qof oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Berbera, (HCTV)– Gudoomiyihii xisbiga WADADNI ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu eedeeyey in meheradiisa lagu dhexqabtay alaab dhacday oo uu iibinayey.

Waaxda Fayo dhawrka dawladda hoose ee degmadda Berbera ayaa sheegtay in xadhiga Sheekh Saleebaan Siciid yimid ka dib markii uu diiday in meheradiisa laga qaado cunto dhacday oo lagu iibinayey.

Madaxa Fayo dhawrka dawladda hoose ee Berbera Cabdirisaaq Maxamuud Ismaaciil ayaa sheegay in hadii meheradaha ganacsiga lagu arko alaabta dhacday oo meel la iska dhigay in laga qaado hadii la arko isago iibinaya laga qaado ganaax hadii uu diidana xabsiga loo taxaabo.

“ Sheekh Saleebaan waxaanu kaalintiisa ku qabanay alaab dhacday, alaabta la dhacday hadii tukaanku meel gaar ah iska dhigo waanu ka qaadna, hadii uu iibinayo oo talaagada ku jiro waxaanu ka qaadna ganaax hadii uu diidana waa xabsiga, waxaanu diiday in laga qaado, waxaanu sheegay inuu soo bedelayo haseyeeshee arrintaasi waan ka diiday sidaas baa lagu xidhay, waana ka haynaa muuqaal iyo sawiro isagoo alaabtii aanu ku qabanaya doonaya inuu gurto”ayuu yidhi madaxa Fayo dhawrka Berbera Cabdirisaaq Maxamuud.

Waa masuulkii ugu horeeyey ee lagu xidho alaab dhacday ayuu iibinayey, waxaanu hadda ku jira saldhiga dhexe ee magaalada Berbera.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: