“Waxaan Leeyahay Jamhuuriyada Barakaysan, Dhukuro Dheeman Waa Joogtaa” Fadxiya Kabayare

Hargeysa, (HCTV) – Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey fanaanada caanka ah ee Farxiya Kabayare oo socdaal ku timid Somaliland.

Soo dhaweynta fanaanadan Caanka ah ayaa waxa ka qaybqaatay soo dhaweynteeda Fanaaniinta iyo Abwaaniin ka tirsan Xidigaha Geeska iyo taageerayaal ay fanaanadu ku leedahay Somaliland, gaar ahaana Hargeysa.

Waxaana markii ay soo gaadhay fanaanadu madaarka magaalada Hargeysa ka hadlay soo dhaweynteeda fanaaniin tiro badan oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xidigaha Geeska Cabdiraxmaan Xaaji, Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, Sahra Ileys iyo fanaaniin kale oo tiro badan, kuwaas oo fanaanada si diiran ugu soo dhaweeyey Somaliland sheegayna inay aad ugu faraxsan yihiin safarka ay ku timid dalka.

Fanaanada Caanka ah ee Farxiya Kabayaro oo iyaduna soo dhaweynta loo sameeyey kadib ka dareen celisay ayaa waxay tidhi tidhi “Waxaan joogaa Somaliland, gaar ahaana waxaan joogaa Hargeysa, hamigaygu wuxuu ahaa inaan imaado, Illaahay ayaa maanta suuragaliyey inaan imaado.

Waxaan u mahadcelinayaa fanaaniintayda abwaaniintayda, shacabka, dadka i wada jecel ee walaalahayga ah, waxa weeyi lama soo koobi karo faraxadayda, waan idin jeclahay.

Waxaan leeyahay taageerayaashayda, gaar ahaan taageerayaashayda Jamhuuriyada Barakaysan, wax badan ayaad i tidhaahdeen ‘Fadxiyaay afgobaadsiga iska daa waan imaanayaa ayaad na tidhaa maanad imaanayn?’ Dhuxuro Dheeman Waa Joogtaa” ayay tidhi Fadxiya Kabayare.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.