Somaliland: Cabdirashiid Riyo-raac Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, (HCTV) – Guddida Doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la dhaariyey ayaa maanta Cabdirashiid Riyo Raac u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddidaasi.

Guddidan Doorashooyinka ayaa tan iyo intii Golaha Baarlamaanka Somaliland uu Ansixiyey Lix xubnood oo uu ka maqan yahay xubintii xisbiga Waddani uu ku lahaa Guddidaasi ayaa khilaaf weyn oo u dhexeeya xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah cirka ku sii shareeray.

Waxaana la filayaa in doorashada gudoomiyenimada Cabdirashiid Riyo Raac oo isaga xubinimadiisa komishanka doorashooyinka uu khilaafka ugu culusi uu ka taagnaa ay mar kale circa ku sii shareerto khilaafkaasii u dhexeeya xisbiga iyo xukuumada.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID ayaa iyagu mawqif adag oo ay ku diidan yihiin in Cabdirashiid Riyo-raax oo xubinimadiisa khilaafku ka dhashay hadana loo doorto inuu Gudoomiye ka noqdo Komishanka Doorashooyinka.

Ugu horayn Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon oo ka hadlay aragtida xisbiga Waddani ee ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka loogu doortay Riyo-raac ayaa waxa uu yidhi “Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, markaa masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talao qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.