Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Caawa Kulan La Yeeshay Guddida Dhexdhexaadinta

Hargeysa, (HCTV) – Guddida isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID u dhexeeya ayaa caawa kulan xogwaran ah la yeeshay Gudoomiyeyaasha xisbiga Mucaaridka ee Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Kulankan ay caawa ku yeesheen xisbiyada Mucaaridka iyo guddida dhexdhexaadinta khilaafka dhinacyada siyaasada Somaliland ayaa ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Markii kulankaasi uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay ujeedadii kulankaasi iyo waxyaabihii lagaga hadlay Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “Waxa weeyi waad ogtihiin guddidan dhexdhexaadinta oo aan anigu ugu yeedho ‘Badbaadada Qaranka’ ayaanu u xogwaramaynay, waxa aanu ka qabno arimaha socdana oo ah mawqifkayaga ayuunbaanu u sheegaynay, intaasuu fadhigu ahaa wax kale oo dheeraad ahi ma jirin,” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaasi ku daray inay kala hadleen arimo door ah balse aanay wakhti xaadirkan ka hordhacayn.

“Mawqifka aanu ka taaganahay arimahaasi dhacaya guddida dhexdhexaadinta ayaanu u dhiibnay, mar hadaanu guddidaasi dhexdhexaadinta aanu siinay (mandate-ka), fursad ayaanu siinaynaa guddidaasi oo aanu rajaynayno Insha Allaahu Tacaalaa inay guul ka gaadho,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddida iyadu isku xilqaantay inay dhexdhexaadin ka dhex bilawdo khilaafka xukuumada iyo xisbiyada Mucaaridka ayaa ka gaabsaday inay warbaahinta faahfaahin siyaan.

Hase yeeshee kulankan caawa ay yeesheen guddidaasi iyo xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili guddida doorashooyinka Somaliland ee khilaafku ka taagan yahay ay shaqadii Komishanka ay maanta kala wareegeen Guddidii hore, isla markaana ay guddoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo-Raac oo isagu ah xubinka xisbiyada Mucaaridku ay sida weyn uga biyo diidan yihiin ka mid noqoshada Komishankaasi.

Kulanada gaargaarka ah ee Guddida isku xilqaantay xal u helida khilaafaadku ay la yeelanayaa dhinacyada ayaa laga warsugi doonaa maalmaha soo socda iyo wixii go’aamo ah ee ka soo baxa kulanadaasi ay la yeelanayaan dhinacyada Siyaasada Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.