Generaal Ka Tirsan Ciidamadda Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho, (HCTV) – General Yuusuf Cai Qaseeye oo ku magac dheer Cageey oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Generalkan oo sheegaya in Generaalka lagu dhax dilay Guri uu ka degenaa Warshadaha Caanaha magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka Generaal Cagey oo ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa isla ciidanka dowladda oo khilaaf uu kaa dhaxeeyay, halka warar kalana sheegayaa in gurigiisa ay ku dileen rag hubaysan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga Soomaaliya oo la xidhiidha dilka Generaalka iyo wax ka jira warar sheegaya in dilkan uu ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.