Guddida Cusub Oo La Wareegay Hoggaaminta Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Xubnihii guddida doorashooyinka Somaliland ayaa markii ay maanta gudoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo Raac, gudoomiye ku xigeena u doorteen Mustafe Dhawal kadib waxa ay si rasmi ah ula wareegeen hoggaaminta Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyagoo kala wareegay Guddidii hore.

Guddoomiyihii hore ee Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan oo isagu ku wareejiyey guddida cusub ee dhawaanta loo soo magacaabay Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta sharaf noo ah shan sano ka dib komishankii doorashooyinka qaranka ee afraad uu xilkii ku wareejinayo komishankii shanaad ee qaranka, taas oo ah sunaha iyo hanaanka sharci in shantii sanadoodba mar la badalo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Sharaf ayay noo tahay inaanu idinku wareejino maanta xilkii qaranka ee Komishanka Doorashooyinka, hadaba mudadaas shanta sanadood ahayd waxa komishanka doorashooyinku ay soo qabteen shaqooyin farabadan oo u noqday dhaxal, kuwaas oo ay suuragaliyeen Komishankan iyo shaqaaahoodu,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Gudoomiyihii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay madashii xilka ay kagala wareegayeen guddida cusub ee doorashooyinku.

Hase yeeshee Gudoomiyaha cusub ee loo doortay guddida doorashooyinka Cabdirashid Riyo Raac ee maanta xilka lagu wareejiyey ayaa ah xubintii muranka badan ka dhalisay in guddida lagu soo daro, isla markaana xisbiyada mucaaradku dalbanayeen in xubintaasi dib loo celiyo.

Goobtii lagu dooranayey gudoomiyaha cusub waxa ka maqnaa xubintii xisbiga WADDANI ka socotay, halka xubintii xisbiga UCID ka socotayna sheegay in lagaga batay in la doorto Cabdirashiid Riyo Raac, waxaanu doorashadaasi ku tilmaamay mid gacan ku rimis ah oo aan loo diyaar garoobin.

“Doorashaadani waxay ahayd mid aan la isku ogeyn, waayo waxa khamiistii noo timid guddidii dhexdhexadinta ahayd oo noo sheegtay in aanay doorasho dhicin inta hawsha ku jiraan, waxay ahayd doorashadaasi mid gacan ku rimis ah oo aan loo diyaar ahayn oo saaka uun bilaabantay, waan fadhiyey oo kama bixin laakiin waa la nagaga cod batay” ayuu yidhi xubintii ka socotay xisbiga UCID.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.