Guddoomiyihii Hore Ee Barlamaanka Puntland Oo Cambaareeyay Odayaal La Xidhay

Xiingalool, (HCTV) – Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed). ayaa si kulul u cambaareeyay xadhig Puntland kula kacday odayaal madaxweyne Deni dhaliilay.

Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loosii daayo odayaasha xidhan, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin cabudhin lagu hayo dad uu tilmaamay inay xaqiiqada Puntland taala ka hadlayaan.

Dhoobo-daareed ayaa sheegay odayaasha la xidhay inay taageereen qorshihiisa ku aadan in gobolada Sanaag iyo Sool ka tashadaan aayahadooda iyo kasii mid ahaaanshaha Puntland, waxaanu intaasi ku daray inay arintaasi tahay gef laga galay dastuurka Puntland oo qeexaya inaan cidina loo xidhi karin aragtidooda inay soo bandhigaan, wuxuuna sii raaciyay in maamulka madaxweyne Deni uu galay qaladaad badan.

Dhoobo ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, isagoo halkaas tashiyo kula leh beeshiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.