“Riyo-raac waxaan u Arkaa Miino loo soo Xambaariyey Madaxweynaha..” Cali-Guray

Hargeysa (HCTV) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa ka hadlay Komiishanka cusub ee lagu muransan yahay oo Shalay Guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo-raac oo ka mid ah laba xubnood oo Xisbiga WADDANI diiddan yahay inay Komiishanka ka mid noqdaan.

Mujaahid Cali-guray oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in aanay Somaliland ka dhacayn doorasho ay qabashadeeda masuul ka yihiin Komiishanka lagu muransan yahay ee Cabdirashiid Riyo-raac u doortay Guddoomiyaha.

Cali oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shalay waxa is doortay Shan nin oo Komiishankii cusbaa ka mid ah, waxayna Guddoomiye  u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac oo ah Siyaasi caan ah oo Xisbi gaar ah ku suntan.”

Cali-guray wuxuu sheegay oo kale “Cabdirashiid Riyo-raac waxaan u arkaa Miino loo soo Xambaariyey Madaxweynaha, ka u soo xambaariyeyna ma ahayn Nin ka talinayey Sharafta iyo Karaamada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ka jawaabay hadal uu Boqor Buur-madow Warbaahinta mariyey “Buur-madow ayaa ka hadlay, Maalintii hore waad i waydiiseen (Saxaafadda), jawaabtiisana waan ka muquurtay, laakiin Maanta la muquuran maayo, Buur-madow wuxuu yidhi, Sankaa idiin daloola in Cabdirashiid Riyo-raac la aqbalo, waanu ogaa inuu Guddoomiyahana uu noqonayo, waxaan  u sheegayaa (Buur-madow) ma dhacayso komiishan uu hoggaaminayo Cabdirashiid Riyo-raac  oo Dalkan doorasho ka qabanayaa..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka