AKHRI: Puntland Oo Ka Hadashay Ciidamo Ka Goostay Oo Ku Biiray Somaliland

AKHRI: Puntland Oo Ka Hadashay Ciidamo Ka Goostay Oo Ku Biiray Somaliland

Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Oo Lagu dhawaaqay, Ardayda Gudubtay Iyo Kuwa Dhacay
SOLJA Oo War-Saxaafadeed Ka Soo Saaray Xuska Maalinta Cidhibtirka Gefafka Ka Dhanka Ah Warbaahinta
Somaliland : Xadhiga sharci-darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi
“Waxa La Wadaa Maakhir State, Waxaana La Doonayaa In Somaliland La Jarjaro..” Faysal Cali Waraabe
UCID Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Kala Diro Goleyaasha Deegaanka

Taleex (HCTV) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beeniyey in Ciidamo ka mid ahaa Puntland ay ku biireen Ciidammada Somaliland.

Wasiirkii hore ee khayraadka biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo hadda ah Wasiirka Warfaafinta oo Toddobaadkan gaadhay Magaalada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo ayaa halkaa ku soo bandhigay Askar uu ku tilmaamay inay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa deegaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Hase-ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa degmada Taleex ay ku biireen dhinaca Somaliland.

Wasiirka warfaafinta oo Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeyshiyo beeleed loo galiyay dirayska Ciidanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: