Sanaag: Dabley Weerartay Saldhigga Dhexe Ee Booliska Ceerigaabo

Ceerigaabo (HCTV) – Koox Dabley ah ayaa Xalay weerartay Saldhigga dhexe ee Booliska ee Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Kooxda Weerarka geysatay oo aan illaa hadda haybtooda la garanayn ayaa Abbaaro 1-dii habeenimo ee Xalay Weerartay saldhigga, laakiin waxay iska Caabbin kala kulmeen Ciidammadii Booliska ee halkaa ku sugnaa.

Sidaana waxa xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Ceerigaabo.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Dablaydu ay Rasaas ku rideen Saldhigga, laakiin markii ay u jawaabeen Ciidammadii halkaa ku sugnaa ay baxsadeen, isagoo intaa raaciyey inaan wax khasaare ahi soo gaadhin labada dhinac midna.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay wadaan baadhitaan lagu ogaanayo Kooxda Weerarka geysatay, kuwaasi oo aan weli la Aqoonsan.

Inkasta oo Taliyuhu sheegay inaan la aqoonsan Cidda weerarkan, haddana Warbaahinta Internet-ka qaarkood ayaa sheegaya in dablayda Weerarka geysatay ay ka mid yihiin Kooxda uu hoggaamiye Kornayl Caarre oo ka goostay Ciidammada Millateriga Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka