Akhri: Wasiirro Xilka Laga Qaaday Oo ka Warramay Dareenkooda

Hargeysa (HCTV) – Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Somaliland iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta oo ka mid ahaa Masuuliyiin uu Madaxweyne Muuse Biixi xilalkii ay hayeen ka qaaday ayaa ka warramay dareenkooda arrintaa la xidhiidha.

Wasiirkii cadaaladda Somaliland Cabdirisaaq Saalax iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka Mr. Xuseen Ibraahim Buuni oo si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay.

Ugu horrayn, Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Cabdirisaaq Saalax oo ugu horrayn ka hadlaya xil ka qaadistiisa ayaa yidhi “Anigu aad iyo aad ayaan u faraxsanahay, mooralkaygu wuu fiican yahay, waxaan u arkaa (xil ka qaadistayda) wax iska Caadi ah, Madaxweynuhuna sida uu danta Qaranka u door-moodo ayuu marba ku hoggaaminayaa, Innaguna sidaa uu ku hoggaaminayo ayaynu ku faraxsanahay…”

Wasiir Saalax oo la waydiiyey in Xil ka qaadistiisu Salka ku hayso Siyaasadda Somaliland ee Gobolka Badhan oo hoos u dhac ku yimid iyo dhaqdhaqaaqyo ay Puntland halkaa ku waddo, ayaa sheegay inaanu filayn in Xil ka qaadistiisu arrintaa salka ku hayso.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo isaguna soo bandhigay dareenkiisa la xidhiidha xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay ayaa yidhi “Madaxweynuhu is-beddel ayuu ku samayn karaa Golaha Wasiirrada iyo xukuumaddiisaba, markaa Runtii waan soo dhaweynayaa (xil ka qaadistayda).

Ma Jirin heshiis aanu Madaxweynaha ku wada galnay inuu ii fuliyo dan ii gaar ah, laakiin Madaxweynaha waxaanu ku wada soconay kulana shaqaynayey mabda’ ayay ahayd, Mabda’aasina wuxuu sidii Dalkan wax loogu qaban lahaa ee loo horumarin lahaa, tiina wakhtigii Ilaahay iiga calfay waan kala soo shaqeeyay..”

Buuni oo la waydiiyey wuxuu u malaynayo inay keentay xil ka qaadista ayaa ku jawaabay “Waxaan odhan karo way ku galaafatay, hadday noqoto shaqo-xumo, hadday shaqo imaansho la’aan noqoto ma jirto, laakiin waxaan Anigu u daynayaa in Madaxweynuhu uu isagu sidaa gartay, waanan ku ixtiraamayaa. Anigu Mucaarad ma ihi, Mucaaradkana ma galayo.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka