208 Qof Oo Ku Dhintay Hawl-gal Ay Sameeyeen Ciidammada IRAN

Tehran (HCTV) – Ugu yaraan 208 Qof ayaa la rumaysan yahay inay IRAN ku dhinteen intii uu socday hawl-gallo Ciidammada amnigu kaga hor tagayeen Dibed-baxyo halkaa ka dhacay.

Dadweynaha reer Iran ayaa Mudaharaaddo isugu soo baxay, ka dib markii Qiimaha Shidaalku uu mar keliya si layaab leh cirka isagu shareeray, taasi oo keentay in Dadweynuhu ay Gadoodaan.

Tirada Dadka ku Geeriyooday hawl-galka Ciidammada amnigu kaga hor-tageen Mudaharaadka ayaa waxa sheegtay Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, sida ay baahisay Al-jazeera oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Amnesty International oo fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay inay suurto-gal tahay in Dadka ku dhintay hawl-gallada ay Ciidammadu kaga hor-tagayeen Mudaharaadku ay kor uga sii kacdo inta ay tahay tahay oo dhan 208 Ruux.

Hay’addu waxay sheegtay in Tobanaan ka mid ah Dadka dhintay ay ku dhinteen Magaalada Shahriar oo ay isku gobol yihiin Tehran, laakiin ma sheegin Dad kale ee dhintay goobaha ay ku Geeriyoodeen.

Ciidammada amniga ee IRAN ayaa awood u adeegsaday Mudaharaadeyaal isugu soo baxay Magaalooyinka Dalkaasi Toddobaadkan.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka