Soomaaliya: Daadad Ku Dhuftay 25 Tuulo Iyo Digniin Laga soo Saaray Duufaano

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay Maanta soo saartay kaga digtay Fatahaado iyo Roobab waaweyn oo Dalka ka da’a.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dawladdu ogaatay inay Fatahaado ku dhufteen 25 Tuulo oo ka mid ah Degmada Balcad.

War-saxaafadeedkaasi oo dheer ayaa u qornaa sidan “Dowladda Feraalka Soomaaliya, Waxa ay Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Saaxiibada ah la wadaageysaa dhibaatooyinka isbeddellada cimillada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaanno la saadaalinayo in ay ku soo wajahanyihiin Deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

Maaddaama Roobabku weli ka da’ayaan Gobollada dalka, Dowladdu waxay ka digaysaa in fatahaado kale ay weli suurtogal yihiin, inkastoo meelaha qaarkood ay biyuhu hoos u dhaceen biyuhu ama qallaleen.

Dowladda Soomaaliya waxa ay Heegan buuxa galisay hay’adaha qaabilsan gurmarmadka iyo ka jawaabista xaaladaha dag dagga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha la saadaalinayo.  Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u sii diyaargaroobay daadad ka dhasha roobab mahiigaan ah oo la filayo in uu ka da’o magaalada Muqdisho, waxaana heegan la galiyay Saldhigyada Booliska 17-ka degmo ee Gobalka Banaadir, Gaadiidka Gurmadka dagdagga iyo howlwadeenadooda, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in marka ay xaalad khatar ah la kulmaan si dhaqsi ah ula xidhiidhaan Number-ka Gaaban ee 991.

Sidoo kale, Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay 24-kii saac ee la soo dhaafay qiimaynaysay warar naga soo gaadhay shabeellada Dhexe oo daadadku ay sii kordheen. In ka badan 25 tuulo oo hoos yimaadda Balcad ayaan ogaanay inay daadad ku dhufteen.

Daadadkan waxay ka imanayaan webiga oo biyihiisu sare u sii kaceen. Waxaa kale oo dadka dhibaato ku haya maleeshiyaadka Al Shabaab oo si ula kac ah biyaha ugu fatahinaya dadka shacabka ah.

Qaar ka mid ah Beeraleyda oo isku dayey inay biyaha ka leexiyaan beerahooda ayaa Al Shabaab dileen. Waxayna kooxda Al Shabaabku biyaha ka sii daayeen biyo-baxadii Xawaadleey oo u dhow Degmada Balcad, ujeeddadooduna Waa inay go’doomiyaan shacabka iyo beeraha.

Waxaa ogaanay in inka badan 5,000 qoys ay daadadku saameeyeen agagaarka Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaadda. Tuulooyinka qaarkood sida Xawaadleey, Far-barako,Deymo-same, Kulmisyaroow, Jiilaale iyo Muku Dheere Waxaa dhex ceegaaga biyaha iyadoo ay dad masaakiin ah ku dhibaataysanyihiin.

Waxan ugu baaqaynaa hay’adaha gargaarka iyo dadka Soomaalida ee wax haysta inay gacanta u fidiyaan, culimada iyo ganacsataduna ay is abaabulaan, gargaar deg-deg ahna lala gaadho dadka deggan tuulooyinka faraha badan ee Balcad hoos yimaadda.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka