Madaxweyne Trump Oo Soo Dhexgalay Dagaalka Afka Ee Macron Iyo Erdogan

London, (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo kala dhexgalay dagaalka Afka ee u dhexeeya Madaxweynaha French iyo dhigiisa dalka Turkish, kadib markii Emmanuel Macron oo ah Madaxweynaha dalka Faransiisku uu ku tilmaamay Isbahaysiga NATO kuwo maskaxdu dhimatay, taas oo Madaxweynaha Maraykanku uu u cadeeyey Madaxweynaha Faransiiska in kalmadaasi ay ahayd mid fool xun oo cay ku ah gaashaanbuurta NATO oo dhan.

Madaxweynaha dalka ayaa November 7-deedii waraysi uu siiyey Wargeyska The Economist, waxa uu si xun u cambaareeyey xidhiidhka xun ee u dhexeeya gaashaanbuurta NATO iyo dagaalkii Turkigu dhawaan ku qaaday dalka Suuriya.

Taas oo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan isagoo dhawaantan ka jawaabaya hadalka Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in dhibaato ay haysato Macron laftiisa oo uu u baahan yahay in la baadho oo uu maskax ahaan aanu fayoobay.

Madaxweyne Trump oo la hadlayey warfidiyeenada salaasada maanta oo uu dhinac taagan yahay xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in hadalkii Macron eek u saabsanaa Isbahaysiga NATO uu ahaa mid cay ah.

HORN CABE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.