Guddoomiyihii Degmada Awdheegle Oo Qarax Lagu Dilay

Awdheegle, (HCTV) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle oo magaciisa la yidhaa Maxamed Yaroow.

Warkan arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo shegay in qarax miino ee lagu dilay guddoomiyaha uu ka dhacay isla gudaha degmada Awdheegle.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka gudoomiyaha.

ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyaha hasse ahaatee Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka waxaa ay ku bartilmaameedsadeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.