Kooxda Madasha Wadatashiga Oo Sheegay Inay Dacwad Ka Gudbiyeen Golaha Guurtida

Hargeysa, (HCTV) – Kooxda la baxday Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Somaliland ayaa sheegay inay dacwad ka dhan ah golaha Guurtidda ay u gudbiyeen maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland.

Kooxdan ku bahowday Madasha Wadatashiga ayaa tilmaamay in dacwadooda ka dhanka ah Golaha Guuritda ay ku diidan yihiin go’aankii Golahaasi labada sanno ugu kordhiyey Baarlamaanka Somaliland.

Xasan Guure oo ah Gudoomiyaha kooxda Madasha Wadatashiga oo u badan saraakiishii Jabhadii SNM ayaa xusay in dacwadii laga aqballay oo laga qabtay, waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya.

“Dariiqa kaliya ee banaan wa in maxkamadda dastuuriga ahi dib u eegaan go’aamaddan ay gaadhayaan Guurtidu”ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure, waxaanu intaasi raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad aan kaga soo horjeedno Guurtida iyo sharciyadeeda ay ku fadhido iyo go’aanka ay gaadhay iyo sharciyadeedda, waana wax uu sharcigu bixiyey in maxkmada dastuuriga loola tago wixii dawlada lagaga cabanayo, gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuu naga aqbalay waanu darsayaa jawaabtana waanu sugayna, cid kasta oo cabanaysa way u banaan tahay, waana marinka kaliya ee dal lagubadbaadin karo” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga waxa uu xusay in aanay dariiqyada kale ee xisbiyada mucaaradku mareen aanay mari doonin oo aanay dadka isku soo bax ugu baaqeen balse dhinaca sharciga u mari doonaan wixii khalad ah ee dawladda kaga cabanayaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.