Taliyaha Booliska Somaliland Oo Kormeerkiisii U Horeeyey Ku Tagay Gabilay

Gabiley, (HCTV) – Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabgale) ayaa maanta kormeerkiisii u horeeyey ku tagay gobolka Gabiley, waxaana Taliyaha intii aanu soo gaadhim magaalada Gabiley ku soo dhaweeyey oo kaga hortagay Kaantaroolka Caabudla Taliyaha qaybta bileyska ee gobolka Gabiley Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed oo taliyaha ciidanka booliska Somaliland usoo galbiyey dhinaca magaaada Gabiley.

Waxaanu taliyuhu intii uu ku gudajiray kormeerkiisa gobolka Gabiley uu soo kormeeray Saldhigyada Bileyska ee ku kala yaala Arabsiyo, Gabiley iyo Wajaale, waxaanu sidoo kale Taliyaha Bileysku uu kormeer ku soo maray Seeraha Banka Wajaale oo ciidanka Boolisku ay ka soo saaraan dalagyo kala duwan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.