Maqaal: Labadan Talaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysa Sumcadii Somaliland

Maqaal: Labadan Talaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysa Sumcadii Somaliland

Goolhayihii xulka Soomaaliya oo geeriyooday
Maqaal: 21 October: Maalintii Soomaaliya Laga Dhagax-Dhigay Kacaankii Keli-Talisnimada Iyo Gawraca Dadka
Shilal la Yaab Leh Oo Kusoo Badanaya Somaliland.
Faallo: Siyaasiyiinta Somaliland Wax Ha Ka Bartaan Qaabkii Loo Xalliyey Xanaftii Ka Dhalatay Doorashooyinkii Kenya
Akhri: Farriin Ku Socota Madaxweyne Muuse Biixi

Dacwaddan ay Madasha wadatashiga ka gudbiyeen go’aanka labadda sanno  loo kordhiyey Baarlamaanka waa fursad sumcadii Somaliland ku lahayd beesha caalamka lagu soo celin karo waa haddii loo fahmi dhinaca fiican ee aanay xukuumaddu u arag talaabo lagaga soo horjeedo.

Dalna kaligii ma istaagi karo, Somaliland waa sidaas oo kale,  waynu ognahoo laba arimoodba dalalkii aynu saaxiibka ahayn way inagu dhaliileen, waa dadkan la iska xidhxidhayo iyo muddo kordhinta labada sanno ee aan lala tashan dadkii ay khuseysay doorashooyinku, waana labada arimood ee sumcadaadda hoos u dhigi karta kuna waayi karto saaxiibo caalamka kugu doodi lahaa.

waxay  Somaliland lahayd saaxiibo badan, balse imika u muuqda inay inaga niyad jabayaan qaabka aynu u dhaqmayno iyo siday iyagu inala rabaan oo ah mid isku jirta  cir iyo dhul.

Somaliland waxay mar gaadhay in tusaale loo soo qaato oo dalal badan oo Afrika loogu faano in dal aan aqoonsi lahayn ay doorashooyin kala duwani ka dhacday oo aanay deero deero hirdiyin, madaxweyneyaalna isku bedeleen.

Qoraalkii u dambeeyey ee ay soo saareen beesha caalamku waxa uu ahaa kii ugu adkaa ee Somaliland kaga hadlayeen, sidaas darteed si sumcadda Somaliland beesha caalamka loogu iibiyo waa in fursaddan ay keeneen odayaasha madasha wadatashiga loo arkaa talaabo wanaagsan,.

Laba arrimood oo imika la qaada sumcaddii Somaliland way soo celinaysa:

  1. Haddii maxkamadda sare dacwaddan eegto markay ka doodaan soo saaraan in go’aankii Guurtidu khalad ahayd oo sabab loo kordhiya aanay jirin, sidaas darteed soo jeediyaan in go’aankaasi laga noqdo ama laga laabto .
  2. Qodobka labaad inuu madaxweynuhu aqballo go’aanka maxkamadda sare, isla markaana wixii hor taagna doorashooyinka uu go’aamiyo inuu dhamaynayo muddo sanad ka yar doorasho ku qabto.

Haddii labadaasi qodob oo kaliya ku kala dhaqaaqaan maxkamadda sare iyo madaxweynuhu waxay noqonaysa dhacdo cajiib ah oo loo qaaday dhanka horumarka iyo ilaalinta sharciga iyo fulinta kalmadii ololaha lagu gallay ee sharciga sareeya, waxaanay dhacdadaasi ina gaadhsiinaysa caalamka oo dhan oo marna War caalamka gaadha ayey noqon  marna waa la falanqayn doonaa oo la odhan doona waa dal sharcigiisa illaaliya.


Illaahay ha ina garansiiyo tubta toosan.

By:Barkhad-ladiif M. Cumar.

 

COMMENTS

%d bloggers like this: