Mauritania (HCTV) – Inta la ogyahay 58 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan dumar iyo Carruur ah ayaa ku dhintay bad-weynta Atlantic-ga.
Tahriibayaashan ayaa waxa Doontii ay la socdeen kula degtay Bad-weynta Atlantic-ga, gaar ahaan gudaha biyaha badda ee Dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Mauritania.
Sidaana waxa xaqiijiyey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta, sida ay baahisay Al-jazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.
Doontan Degtay oo sidday Dad ka badan 150 Qof ayaa Shidaalkeedu aad u yaraa, ka hor inta aanay ku degin Biyaha badda Atlantic-ga ee Dalka Mauritania, sida laga soo xigtay Hay’adda IOM.
Hay’adda IOM waxay sheegtay in Dawladda Mauritani ay gurmad ka geysatay Samato-bixinta Dadka Doonto la degtay isla-markaana Dadkii la bedbaadiyey la geeyay Magaalada Xeebta ku taalla ee Nouadhibou
Dadka bedbaaday ayaa sheegay in doonto ay 27-kii bishii hore ee November ka soo kicitintay Dalka Gambia.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka